Dawlada Hoose iyo Badhasaabka Hargeysa oo Shir Ugu Baaqay Ganacsatada Dalka Qaarkood+liska kaMagacyada

0
136

DSC08243Hargeysa (Waaheen)-Mayer ku xigeenka caasimada hargaysa mud cabdicasiis caga weyne ayaa maanta shir jaraaid oo ay ku war gelinayeen ganacsatadayaasha waaweyn ee magaalada ku dhaqan inay malinta salaasada ka soo qayb galaan shir lagu qaban doono hoolka weyn ee dawlada hoose , kaasi oo uu sheegay ianay kaga wada hadli doonaan hawlo qaran oo ay dan labada dhinacba u tahay inay kulmaan,

hadaba mayer-kuxigeenka caasimada hargaysa mud cabdicasiis oo ay waheliyaan Badhasaabka Gobolka maroodijeex Maxamed Maxamuud Jeeni yare, iyo badhasaabku xigeenka ayaa waxaa uu shirkaasi ka hor akhriyay ganacsatada iman doonta shirka isaga oo u mariyay warbaahinta, dhamaana u sheegay cidii ka soo qab gali weyda inayna wada shaqeyn ka dhexeyn doonin madama oo uu qofkaasi baa biiyay wada shaqeyntaasi uu diiday hadaba ganacsatada loo yeedhay ayaa waxaa ay kala ahaayeen :
1. Maamulka maansoor hotel
2. Maamulka Ambasadoor hotel
3. Maamulka Telsom Company
4. Maamulka Somtel Company
5. Maamulka Nation link Company
6. Maamulka Indhadeero Group
7. Maamulka Oomaar Group
8. Maamulka Som capel Company
9. Maamulka Al-Xarbi Trading Company
10. Maamulka Baxsane group
11. Daryeel Construction Company
12. Maamulka Aadan Siiro Group
13. Maamulka General Energy
14. Maamulka maandeeq
15. Maamulka xawaalada juba Express
16. Maamulka SBI Coca Cola
17. Maamilka crown Hotel
18. Maamulka kaah Hotel
dhamaan waxaan maamuladaasi u sheegaynaa inay xarunta dawlada hoose ay yimaadaan malinta aanu sheegnay.
Sidoo kale isna waxaa halkaasi baaq uga diray ganacsatada waa weyn badhasaabka gobalka maroodi jeex mudane jeeni yare isaga oo sheegay inay walhtiga dhawraan oo ay malintaasi loo cayimay hor imaadan dawlada hoose hoolka shirarka oo ay isaga iyo mayer-lu xigeenku ku sugi doonan

Yacquub siciid Kuuriya
Waaheen Media Group
Hargaysa,Somaliland