Magaalada Kismaayo oo caawa laba qeyb u kala qeybsan

0
122

Kismaayo12Magaalada Kismaayo ayaa waxaa caawa laga cabsi qabaa inay ka dhacaan dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Ururuka Raaskambooni.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Ururka Raaskambooni, ayaa waxay caawa laba goobood ka kala jooggaan Magaalada Kismaayo, iyadoo waqti kasta la filan karo dagaalo ka dhaca Magaalada.

Labada Ciidan ayaa waxay kala jooggaan labada qeybood ee ay u kala qeybsan tahay Magaalada Kismaayo, sida ay sheegayaan wararka caawa laga helaayo Magaalada Kismaayo.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa waxay Warbaahinta u sheegeen, in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskambooni, ay dhufeysyo kaga kala jiraan Magaalada Kismaayo.

Col. Maxamed Ibraahim Buule oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Militariga ee Dowladda ee ku sugan Magaalada Kismaayo, ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada Dowladda, ay meelo muhiim ah ka jooggaan Magaalada Kismaayo.

Col. Buule ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay yihiin kuwo qalabeysan oo u babac dhigi kara Ciidamada Ururka Raaskambooni, waaba haddii ay dagaalo ku soo qaadaan.