Madaxweynaha Puntland oo markale si kulul u weeraray Madaxda Dowladda Soomaaliya

0
82

FarooleC/raxmaan Farooel ayaa wuxuu markale uu maanta uu weerar afka ah uu ku qaaday Madaxda Dowladda Soomaaliya, oo uu markaan uu ugu yeeray inay yihiin kuwo qaswadayaal ah.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole), oo aan ku qancin War Murtiyeedkii ka soo baxay Madaxda Urur Goboleedka Igad, ayaa wuxuu hadalo aflagaado leh uu u jeediyay Masuuliyiinta Dowladda.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa wuxuu waxa uu ugu yeeray qaswadayaasha, ay mar kasta ku dhawaaqayaan inay qasab tahay in lagu dhaqmo Dastuurka dalka Somaliya u yaala.

Balse wuxuu sheegay in Dastuurkii dalka u yaalay ee Magaalada Muqdisho lagu soo Ansaxiyay, ay Madaxda Dowladda Soomaaliya bedeleen, waxayna ku soo bedeleen buu yiri mid ay iyagu sameysteen.

Dr. Faroole ayaa wuxuu sheegay in waxa uu ugu yeeray qaswadayaasha ay ka soo horjeedaan, in dalka Soomaaliya oo dhan laga hirgeliyo Maamulo ku dhisan Federalka, sidaasi daraadeedna ay dib dalka u dhigayaan sida uu sheegay.

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu marar badan uu ugu baaqay inay taageeraan Maamulka Axmed Madoobe, maadaama sida uu sheegay uu yahay Maamul ku dhisan Dastuurka dalka.