Madaxweynaha Dalka Kiiniya

0
95

afrika12Uhuru Kiiniyaata oo kulan gaar ah xarunta Midawga Afrika kula yeeshay Ku-xigeenka Ururka Midawga Afrika. Addis ababa(Waaheen) Madaxweynaha Dalka Kiiniya Uhuru Kiiniyaata oo ay weheliso wasiirka Arrimaha Dibeda Kiiniya Aamina Maxamed ayaa maanta Xarunta Ururka Midawga Afrika kulan gaar ah kula yeeshay Ku-xigeenka Ururka Midawga Afrika, kadib markii laga dareeray munaasibadii loogu dabaal degayay sanad guuradii kontonaad taasoo maanta ka bilaabantay Dalka Itoobiya caasimadiisa Addis ababa.

afrika7Madaxweynaha oo ugu talo galay in uu Saxaafadda la hadlo ayaa hakiyay kadib markii loogu yeedhay Kulan ay Madaxweynayaasha Afrika barxada hore ee xarunta ku lahaayeen, halkaas oo ay ku galayeen sawiro taariikh ah.

Hase yeeshee baajinta ka hor waxa ay Madxaweynaha Kiiniya iyo Ku-xigeenka Ururka Midawga Afrika hoosta ka soo xidheen qol gaar ah halkaas oo ay ku wadahadleen in muddo ah.

afrika6Kulankaasi ayay ilo wareedyo u dhuun daloolay ku sheegeen in dawladda Kiiniya Uurka Midawga Afrika ugu dhiibaysay Farriin ah in Ururka jawaab ka bixiyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Danbiyadda ee dacwada ku soo Oogtay Madaxweynaha Kiiniya, iyadoo Dawladda Kiiniya ku hanjabtay sida ilahaasi sheegeen haddii Afrika go’aan ka qaadan weydo Dacwadaasi in kiiniya ka bixi doonto Ururka.

afrika2Si kasta ha ahaatee DoodaN Kiiniya ayaa imanaysa xilli muddo kooban uga hadhsan tahay Madaxweynaha Kiiniya in uu hortago Maxkamadaasi balse tani waxa ay u noqon kartaa fursad ay ku hesho in Midawga Afrika ka hawlgalo baajinta ama uu cod dheer ku taageero Inaanu Madaxweyne Uhuru hortagin.

afrika9Uhuru Kiiniyaata markii uu Sawirak la galayay Madaxweyanaasha Afrika waxa uu agtaagnaa Madaxweynaha Dalka Suudaan oo hore Maxkamaddu Dacwado bini’aadnimada ka dhan ah ugu soo eedaysay balse gaashaanka u daruuray.