Diyaarada British Airways

0
126

Biritish airwaysOo Dab Qadsaday, Dirqina Kaga Badbaaday Inay Ku Dul Burburto London.

London(Waaheen) – Diyaaradda British Airways ayaa dirqi kaga badbaaday inay dhacdo, ka dib markii mid ka mid ah matooradeeda uu dab ka kacay daqiiqado ka dib markii ay ka kacday garoonka caalamiga ah Heathrow ee Magaalada London.

diyaarada oo siday ilaa 75 qof oo rakaab ahaa isla-markaana ku sii jeeday dhanka Magaalada Oslo ee caasimada dalka Norway, ayaa markii dabku qabsaday dib loogu soo celiyay garoonka oo ay si deg-deg ah u fadhiisatay si loo badbaadiyo diyaarada iyo dadka saaranba.

diyaaradan oo ahayd Airbus A319, ayaa markii dabku qabsadauy waxa ka baxayey qiiq faro badan, waxaana la arkayay dadka reer London qaarkood oo sawiraya diyaarada oo qiiq ka baxayo intii aanay dib u fadhiisan garoonka.

Duuliyaha Diyaraadda ayaa Ka Warbixiyay sida ay wax u dhaceen waxuuna sheegay in markii uu ka war helay mushkilada ku timid diyaarada uu si degen ugu sheegay dadka isla-markaana ku war-galiyey ciladda, markaa ka dibna ku gulaystay inuu diyaarada si nabadgalyo ah ku fadhiisiyo.